Madaxweyne Xasan : Waan u Hambalyeynayaa Walalkeey Ismaacil Cumar Geele oo Ku guuleystay Doorashadii Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi aanu walaalaha nahay ka dhacday.

“Walaalkey Madaxweyne Geelle waxan kugu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoysey doorashadii madaxtinimada ee shalay oo Jimco ah dhacday. Waxay guushan tilmaameysaa kalsoonida shacabkaaga kugu qabo iyo waxqabadkaagii oo horseeday in Djibouti ay horumar ku tallaabsato, dunidana magac ku yeelato’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta Djibouti ee dhinaca dimoqraadiyadda uu yahay kan keenay in doorashooyinka ay si nabad ah ku dhacaan, fursadna la siiyo in waddanku uu horay u sii socdo.
“Waxaan filayaa in adigoo kaashanaya shacabkaaga aad meesha ka sii wadi doonto waxqabadkii aad ummadda u haysey, anigoo rajeynayaa in aad waddanka gaarsiin doonto horumar ka ballaaran kii aad u horay u gaarsiisay 17-kii sanno ee aad talada haysay. Waxaana kuu xaqiijinayaa in Soomaaliya iyo shacabkeeduba ay ku garab taagan yihiin mar kasta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Djibouti ay baal dahab ah kaga jirto taariikhda Soomaaliya, marnabana aanay Soomaaliya iyo shacabkeeda ilaabi doonin taageerada ay Djibouti ka heleen.

Waxaa ugu dambeyntii uu Madaxweynaha u rajeeyay Madaxweynaha Djibouti inuu Ilaahay la garab galo xilka culus ee mar kale loo doortay, waddanka iyo shacabka reer Djiboutina ay horumar iyo baraare ku waaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.