Dhageyso: madaxa Arimaha Bulshada maamulka Degmada Doolow oo Gedo Times uga waramay Biyo dhaamin ay sameeyeen..

abaar

Iyadoo abaaro ba’an wali ay kajiraan deegaano badan oo ka tirsan Gobol weynaha Gedo, ayey Maamulka Degmada Doolow ee Waqooyiga Gobolka Gedo Bilaabeen barnaamijyo iskaa wax u qabso ah oo loogu gurmanaayo dadka shacabka ah ee ay saameeyeen abaaraha kajira Gobolka.

Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka Degmada Doolow Mudane Bisle oo wareysi gaar ah siinayay Shabakadda Gedo Times ayaa sheegay in deegaano dhaca duleedka Degmadaais ay ka bilaabeen biyo dhaamin,

Wuxuu sheegay in ay lacago dadka laga aruuriyay si horudhac ah loogu gurmaday dadka ay abaaruhu saameeyeen, isagoo dhinaca kale baaq u diray maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka iyo Walibo Jaaliyadaha Dibadda kunool ee Gobolkaasi kasoo Jeeda.

Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo Bashiir Axmed Taajir ayuu u waramay isagoo bal ugu horeyn faafaahin ka bixiyay waxa ilaa iyo hadda ay qabteen.

Hoos Ka dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.