DAAWO: Gedo Times oo Sawiro ka sooqaaday Bilicda Hoteladii Caanka ahaa ee Magaalada Kismaayo.

Xilli aan horay u balanqaadnay inaan idiin soo gudbin doono akhristayaal Muuqaalo ku saabsan Bilicda Magaalada Kismaayo iyo dib u soo nooleyntii hotelada taariikhiga ahaa ee magaaladan ku yaalay, ayey Gedo Times maanta idin la wadaageysaa Qaar kamid ah Muquaaladii aan soo duubnay.

Wariye ka tirsan Gedo Times ayaa booqday Qaar kamid ah hoteeladii Caanka ahaa ee ay beesha Sade ku laheyd Magaalada Kismaayo, iyadoo uu sawirro soo jiidasho leh dhiiragalinayane maalgashadayaasha ree Jubaland uu wariyuhu soo qaaday.

Hoteladii caan ka ahaa ee Cascasey, Xareed yarow, Qiilmawaaye, Tawakal iyo walibo Hotel Waamo ayaa kamid ah Goobaha ay booqatay Kaamarada Shabakadda Wararka ee Gedo Times.

Arimahan oo dhane waxay imaanayaan xilli dhawaan heshiiskii Magaalada Kismaayo ay ku wada galeen beesha Sade iyo Axmed Madoobe uu Horseeday ku dhiirasho ay ganacsatada Beesha ku dhiiradeen in ay dib ugu soolaabtaan deegaankooda maalgashine ka bilaabaan.

Ganacsato iyo Qurba joog ree Sade ah ayaa Kismaayo dib ugu laabanayay tan iyo Heshiiskii Dhawaan halkaasi ku dhexmaray hogaanka Siyaasadda beesha Sade iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo ugu dambeyn isla gartay khilaafkii Jubaland in lagu soo Afmeero 10 qodob oo ay si wada jir ah u saxiixdeen, Balse Fulintooda aad looga war dhowraayo.

F.G : Iyadoo la ilaalinaayo Xuquuqda Sawirada Xigasho waa Ogolnahay.

h1

h5

h9

h13

h2

h6

h10

h15

h3

h7

h11

h4

h8

h12

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.