Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo la wareegay gacan ku haynta Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

dagal

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa saaka aroortii weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen deeganada Jacar iyo Dari oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, kana mid ah deeganada hoostagga Degmada Ceelbuur.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ee aaga Ceelbuur ayaa sheegay ciidamada inay gaareen deeganadaasi oo ay ka saareen Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada ayaa hada howlgalo waxa ay ka wadaan deeganada Jacar iyo Dari oo ay ku sugan yihiin, iyadoo la soo sheegayo Xoogagii Shabaab ka tirsanaa inay halkaasi isaga carareen.

Waxaanan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay howlgalka ciidamada ay saaka aroortii kula wareegeen deeganada Jacar iyo Dari oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Muddooyinkii dambe ciidamada Huwanta ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayeen inay Shabaab kaga saaraan Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.