Madaxweyne Galeyr : Dowladda Xasan Sheekh Kalsoonida waa kala laabanay.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka soo horjeestay heshiiskii Garowe ee dowladda Federaalka iyo Puntland ku gaareen, isagoo ku tilmaamay heshiis shirqool ahaa oo aanay quseyn.

Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in Heshiiska Garowe ay wada saxiixdeen rag isku dhow oo ilmo adeer ah, isla markaana aanu aheyn wax u cuntamaya umadda.

“Shirka Garowe ee labadan nin marna ilama adeerka ah, marna isku seediga ah, heshiiska ay saxiixdeen wax na quseeyo ma ahan, waxay u soo ban-baxeen waa inay umaddan qadiyadeeda ay dalaalaan, ayna yihiin cadawga umaddan, heshiiskaas ma ahan wax anaga na anfaca oo umadda reer Sool, Sanaag iyo Cayn quseeya”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in marar badan dowladda Federaalka ay kor iyo hoos ula hadleen, una dan-sheegteen, waxna ka qaban waayeen cabashada dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn.

“Waxaa aad iyo aad inoo dhibaya oo aan kor iyo hoos kula hadalnay Madaxweynaha, Xubnaha Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, muddo bilo ayay nagu qaadatay, inaan u dan sheegano wax waa laga waayay, waxaa garanay in aanay waxa dhaqa dadka Sool, Sanaag iyo Cayn meesha oolin, Dowladda Federaalka wixii Mas’uuliyad umadan ka sugeysay waa ka seexdeen waana ka daneysteen, sidaas awgeed waxaa go’aansanay inaan kalsoonida kala noqono Maamulka Xasan Sheekh, Martina ugama noqoneyso Midnimada Soomaaliya”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Maamulka Khaatumo State oo aan wali helin wax aqoonsi ah, ayaa deegaanada uu ka taliyo ay yihiin kuwo ay isku heystaan Maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana uu horay u wajahayay caqabado labada dhinac uga imaanayay, iyadoo siyaasiyiinta ka soo kala jeeda goboladaas ay xilal ka kala hayaan Somaliland iyo Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.