Degdeg: Qabanqaabada Aaska Marxuum Nuur Sayax Xareed oo Baledxaawo ka socota.

Waxaa Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo ka socota qabanqaabada aaska allaha u naxariistee Afhayeenkii Maamulka Gobolka Gedo marxuum Nuur sayax xareed oo shalay Muqdisho ku geeriyooday.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baledxaawo ayaa iska kaashanaya aaskan lagu wado in maanta degmada baledxaawo loogu sameeyo marxuum nuur sayax xareed oo xalay meyd bari ku ahaa muqdisho galinka hore ee maantane lagu wado in degmada doolow laga dajiyo halkaas oo Baledxaawo looga sii gudbin rabo.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo bakaal Kooke, ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Wararka Gedo Times in maanta degmadaasi lagu aasi doono allaha u naxariistee Marxuum nuur sayax xareed oo Muqdisho xalay meyd bari ku ahaa.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.