Degdeg: Nuur Sayax oo Lagua asay Qubuuro ku yaala Duleedka Degmada Baledxaawo…… Gedo Times

Waxaa goordhaw aas qaran duleedka Degmada baledxaawo ee Gobolka loogu sameeyey allaha u naxariistee Marxuum Nuur Sayax Xareed oo ahaa afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudane Bakaal Kooke, Gudoomiyaha degmada Baledxaawo Korneyl yusuuf Maxamed Cabdulaaqaadir Kaanti, masuuliyiinta maamulada Degmooyinka Baledxaawo iyo Doolow iyo Qeybaha kale ee Bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

Goobta lagu aasay marxuumka ayaa ah halkii horay loogu aasay masuulyiin isaga ka horeysay oo uu kamid ahaa Xildhibaankii Qaran Mudane Nuur Mataan Biriq, iyo masuulyiin kale.

Goordhaw waxaan idiin soo gudbin doonaa Masawirro iyo Muuqaalo yio codad la xriiira aaska Maanta degmadaasi loogu sameeyey Mudane Nuur Sayax Xareed Afhayeenkii Maamulka Gobolka Gedo, oo uu dadkii aaskiisa ka qeybgalay kamid ahaa Shariif Axmed Taajir Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.