Dhageyso: “Wasiir Xiddig” Gurmadka ugu Horeeya ee Dowladda Gobolka Gedo ayaan Geyneynaa.

xidig

Xilli Gobolo badan oo Soomaaliya ah ay ku dhufteen abaaro ayaa Gobolka Gedo Wuxuu kamid noqday Gobolada ay sida ba’an abaaruhu u saameeyeen.

Dowladd Federaalka oo ka duuleysa u gurmashada dadkaasi soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa maanta ku dhawaaqday in Gobolka Gedo, ay gaarsiinayaan Gurmadkii ugu horeeyey ee ay dowladdu fidiso.

Cabdirashiid Maxamed Xidig waa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka, waxa uu maanta ku dhawaaqay in dowladda ay gurmadka ugu horeeya gaarsiineyso Gobolka Gedo Dhawaan.

” Gobolka Gedo ayaa ugu mudan Gobolada ay tahay in loo gurmado waayo abaaro ba’an ayaa halkaasi kajiray, dabcan gobolkaas wuxuu la xuquuq yahay gobolada Waqooyi, oo isku si ayey abaaruhu u saameeyeen, dhawaan Gurmad Degdeg ah oo ay dowladdu ugu talagashay ayaan gaarsiineynaa” Ayuu Yiri Wasiir Xidig oo Warfidiyeenada SHir Jaraa’id u qabtay.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in gurmadka ay Dowladda ugu talagashay Gobolka laga dajiyo Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbaharay.halkaas oo deegaanada kale ee Gobolka Mucaawanooyin looga sii gudbin donoo.

Hoos ka dhageyso Hadalka Wasiir Xidig.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.