Dhageyso:-Maamulka Janaalle oo kahadlay sidii Shabaab Degaanka looga saaray

Iyadoo Saaka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Shabaab kala Wareegeen Degaanka Janaale oo dhaca Koofura Soomaaliya kana tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Dagaalkaasi ka hadlay Maamulka Janaale.

Guddoomiyaha Degaanka Janaale Ee Maamulka Koofur Galbeed C/raxmaan Yuusuf Cabdi  ayaa sheegay in Magaalada uu ka dhacay dagaal aan sidaa u weynee oo Shabaab ay halkaa ka carareen.

Sidoo kale Guddoomiye C/raxmaan ayaa Xusay in Mudo 4 malin ah uu Dagaal ka dhacayay Degaanka iyo Tuulooyin u dhaw dhaw,taas oo sababtay in Shabaab ay Magaalada xajisan waayan.

Degaanka Janaale oo ah Degaan Caan ku ah Beeraha islamarmarkaana uu maro Wabiga Shabelle ayaa waxaa Bilihii la soodhaafay Maamulayay Shabaab,iyadoo sidoo kale Shabaab halkaa ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Howlgalka AMISOM Bishii Sagaalaad ee Sanadkii hore.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.