Dawlada Giriiga oo bilowday inay iska celiso qaxooti fara badan oo dalkeeda ku sugan

Doonyihii ugu horeeyay ee sida dad badan oo qaxooti oo laga soo celshay dalka Gariiga ayaa tagay xeebaha wadanka Turkiga waxaana qeyb ay ka tahay heshiiska ay wada gaareen Turkiga iyo midawga Yurub ee ah in la celsho qaxootiga faraha badan ee Yurub ku sugan.

Ciidamada dawlada Gariiga ayaa dad tira badan saaray labo doonyood waxaana doonyahaas dadka laga saaray jaziiradda Lasbos la yoraahdo oo Gariiga.

Afhayeen u hadlay dawlada Gariiga ayaa sheegay inay celiyeen illaa iyo 136 ruux oo u kala dhashay wadamo ay ka mid yihiin Syria iyo Pakistan.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Turkiga Efkan Allaa oo asna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maanta sugayaan illaa 500 oo ruux oo qaxooti ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.