Faah-faahin:- Gaari lagu soo raray Waxyaabaha Qarxa oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”

Faah-faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa Gaari Nuuca Raaxada ah oo laga oo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,kaas oo la soo dhigay Maqaaxida Blu SKY oo ku taalla inta udhexeysa Daljirka Dahsoon iyo Xaawo Taako.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Gaariga uu Qarxi waayay islamarkaana dadkii maqaaxida joogay ay Arkeen oo Ciidamada ay ku wargaliyeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo halkaa Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay Qaraxa Gaariga ka fur fureen islamarkaana Dhibaatadiid ay Shabaab rabeen aysan u suuro galin.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Hay’addaha Amaanka Soomaaliya  ay Amar ku bixinayaan in aan wax Gaari ah ladhigi karin inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Ilaa Daljirka-dahaason.

Halkaan ka Daawo sawirada Gaariga Qaraxa lagu soo Raray

12939489_783785135085640_1967478846_n 12939706_783785278418959_769481897_n 12966210_783785455085608_1999502885_n 12966431_783785411752279_1419949507_n 12966680_783785191752301_350996128_n

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.