Dhageyso:Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Ciidamada Dowlada ka Cabanayo.

Qaar ka mid dadka ku ganacsada suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugo weyn magaalada Muqdisho ayaa waxa aay ka cabanayaan dilil ka dhacay suuqa bakaaraha .

Waxaana aay dillalkaas ku eedeeyeen in ciidmada Dowlada Somaliya aay ka gaysteen halkaasi ganacasatada qaar oo laso xariiray idaacada Kulmiya ayaa sheegay in ilaa iyo Saddax ruux oo shacab ah lago dilay suuqaas iyagoo intaasi ku daray in baqdin xoogan aay ka qabaan suuqa in maanta ganacsigoooda uu si furnaado

Suuqa Bakaaraha ayaa malintii shalay waxa ka jiray howlgal ciidamada Dowlada Somaliya aay ka sameeyeen Cabdalla Shideeya oo ah meel lago sameeyo documentiyada Macmalka ah hase ahaate xaalada suuqaasi ayaa daganeed galinkii danbe ee shalay

Waa kan midka mid ah dadka ku ganacsada suuqa Bakaaraha oo lasoo xariiray idaacada Kulmiye isagoo faahfaahin ka bixinayo waxa aay ka cabanayaa Ganacsatada Suuqaasi.

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa manta caadi u soconayo iyadoo oo ay sin jirin wax Baaritaan Ciidan ah oo suuqaasi ka socda inkasto dadka ganacsatada aay wali cabsi ka muujinayaan dilka dadkaasi shacabka ah logo gaystay Suuqa Bakaaraha

Halkana Ka Dhageyso

1 Comment

Leave a Reply to Greta Tetlow Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.