Dhageyso:Wafdi ka socda QM,IGAD iyo Midawga Yurub oo gaaray Garoowe

Wafdi ka socda QM,IGAD iyo Midawga Yurub ayaa Goor dhaw gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland,waxaana Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe,halkaa oo la sheegay in ay Goobjoog uga noqonayaan Heshiis ay wada galeen Puntland iyo Dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta halkaa tagay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom,waxaana Itoobiya ay ka mid tahay Dalalka Saameynta ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

Maalmahaan waxaa Garoowe Dowladda dhexe iyo Puntland uga soconayay wada-hadalo lagu dhameynayo Khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka

Halkaan Ka dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.