Degdeg: Dilkii labaad oo 24 Saac Gudahood ka dhacay Baardheere, iyo Xaaladda Degmada oo kacsan.

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Baardheere ee Gobalka Gado goordhow lagu dilay sarkaal horrey uga tirsanaa  dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Col Cabdisamad Cabdullaahi Dilaal, iyadoo aysan jiri Cid loo soo qabtay Dilkiisa.

Sidda ay u sheegeen Gedo Times Ilo Wareedyo, sarkaalka ayaa u dhintay rasaas ay fureen ciidamada dowladda ee ku sugan Baardheere.

Xaaladda magaalada ayaa kacsan waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas xooggan, sidoo kale waxaa magaalada soo buux dhaafiyay ciidamo fara badan.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay allaha u naxariisto Col Cabdisamad Cabdullaahi Dilaal, mana jirto cid ka hadashay dilkiisa.
Xalay ayey Aheyd Markii Sidaan ookale bartamaha baardheere loogu dilay Marxuum Cabdulaahi Eelaay o oahaa Madaxda Waaxda gaadiidka iyo Canshuruaadka ee Degmada baardheere.

Amniga baardheere ayaa u muuqda mid faraha ka baxaya iyadoo durba ay soo baxayaan eedaha la xiriiria cida dilalkaasi sida rasmiga ah uga dambeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.