Duqeyn loo geystey deegaan ku dhow Janaale oo lagu diley Amiirkii Shabaab ee Janaale

Weerar duqeyn ah ayaa lagu qaaday deegaanka Kaaytoy oo ka tirsan gobolka Sh/hoose iyadoo la sheegay in ay duqeyntaas sababtay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Kaaytoy duqeyntan ayaa waxaa ku dhintey qaar ka mid ah saraakiil ururka Alshabaab ka tirsan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntaas uu ku dhintey amiirkii deegaanka Janaale iyo saraakiil kale halkaa ku shirayay.

Diyaaradaha duqeynta geystey ayaan la ogeyn in ay yihiin diyaarado ay leeyihiin ciidamada dowlada Maraykanka.

Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ahoo ka soo baxay ururka Alshabaab. Duqeynta ay diyaaradaha geystaan oo lagu qaado dagaalyahanada Alshabaab ayaa waxaa badanaa fuliya dowlada Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.