XOG: Xagee marayaan Wadahadalii Garoowe ku dhexmarayay Madaxda Puntland iyo RW Sharmaake.

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in aan wali wax is afgarad laga gaarin kulamo u socda dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, kaasoo looga hadlayay hanaanka doorasho ee sanadkan 2016 ka dhacaya Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka kulamada u socda Guddiyo labada dhinac ayaa wali wax natiijo ka soo bixin, iyadoo marar badan oo la isu soo dhowaaday, is afgaradna la gaari rabo ay soo baxayeen shuruudo adag oo ka imaanayay Puntland.

Kulamada oo ahaa kuwo joogto ahaa oo aan loo kala kicin ayaa isugu jiray dhowr qeybood, kulan gaar ahaa oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland yeesheen, iyo kulamo Guddiyo wasiiro labada dhinac ahaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wafdigooda ay sameeyeen wax kasta oo lagu qancin karo Puntland, balse aanay muuqan wax tanaasul ah oo ay ka sameeyeen diidmadooda.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa wali ku qancin la’ go’aanka Puntland ku diiday nidaamka 4.5, waxaana tan iyo intii ay Garowe yimaadeen wadaan kulamo is-daba joog ah oo dhammaadkiisa aan wax natiijo ah ka soo bixin, waxayna u badan tahay inay dib ugu laaban doonaan Muqdisho iyagoo aan wax go’aan ah wadin.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in wali Puntland aanay mowqifkeeda waxba iska bedelin, balse mar walba uu albaabka wada hadalka furan yahay.

Warar soo baxayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Puntland ay ka soo dabacday mowqifkeeda, balse ay dooneyso in qaadashada 4.5 ay siisato bedel u dhigmo, balse wali ma muuqato wax la isku raacay, waxaana aad u adkeyd in warbaahinta ay ka hesho kulamadaas warar rasmi ah.

Dhinaca kale Wafdi uu hogaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating laga yaabo in maanta ama berri ay u tagaan Puntland, sidii mar kale la isugu dayi lahaa in Puntland aqbasho qaabka loo marayo doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.