DEGDEG: Masuul ka Tirsan Maamulka Degmada Baardheere oo Goordhaw Gudaha Degmadaasi lagu Dilay.

Waxaa Caawa fiidkii Gudaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo lagu dilay allaha u naxariistee Marxuum Cabdulaahi Cabdi aadan Dalal Cabdulaahi eelaay, oo kamid ahaa saraakiisha Maamulka ee Degmadaasi ka arimiya.

Mudane Cabdulaahi Eelaay, wuxuu ku magacownaa Madaxa waaxda Canshuuraadka iyo gaadiidka ee Degmadaasi baardheere, kaasi oo xilkaasi hayay tan iyo intii uu Maamulkaasi ka ariminayay Degmadaasi.

Cabdulaahi eelaay ayaa horay shabaab uga cararay gudaha Degmada Baardheere xiligii ay degmadaasi Mamaulayeen isago odegmada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Xiligaasi baqacarar ku gaaray.

artamaha Degmada Baardheere ayaa lagu dilay, iyadoo ila wareedo ka agdhawaa aaga falka dilka ah uu ka dhacayne ay inoo sheegeen in rasaas ay huwiyeen kooxihii dilka fuliyay kadibne ay horay u sii qaateen bistoolad u watay oo uu isku waardiyeynayay.

ma jirto cid sheegatay dilkiisa, balse saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere ayaa dilkani ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen alshabaab ayna ku raadjoogaan kooxihii falkaasi dilka ka dambeeyey.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.