Dhageyso;Putland oo Qaadashada 4.5 ku Xirtay in Xarunta Barlamaanka somaliya loo Raro Magaalada Garowe.

Wali Magaalada Garoowe Ee Caasimadda Puntland waxaa ka socda Kulamo Gaar gaar ah oo ay leeyihiin Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya iyo Madaxda Maamulka Puntland.

Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake,Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa Puntland ay Sharuud ku xirtay qaadashada Hanaanka wax qeybsiga Beelaha ee 4.5,iyadoo dalbatay in Baarlamaanka Soomaaliya laga raro Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda dalka,loona wareejiyo Magaalada Garoowe ee Puntland.

Waxaa ay sheegeen  in Magaalada Muqdisho aan la wada laheyn oo ay leeyihiin Qabiilka Hawiye sida ay hadalka u dhigeen.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa Sharuuda Puntland ay la timid layaabay,iyagoo Xusay in ay wax badan kala Fageyn karto.

Goordhow ayaa Sidoo Kale waxa garay Magaalada Garowe safiirka Dalka Turkiga u Fadhiyo Somaliya Kaaso Putland Kala Hadli Dono Sida Ay u yeeli Lahyd Qadashada 4.5 oo ay Diidan Tahay.

Halkaan Ka dhageyso;

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.