Dhageyso: Ugaas Taakooy oo Sheegay in ay ka go’antahay Dhismaha Dowlad Goboleedka Galgaduud Sare.

ugaas

Ugaaska Beesha Sade Bari Ugaas axmed Barre Cali Taakooy oo wareysi siinayay Shabakadda Wararka ee Gedo Times ayaa ka waramay Dhismaha dowlad Goboleedka Galgaduud Sare oo dhismihiisa si dardar leh uu uga socda deegaanadaas.

Ugaas taakooy ayaa sheegay in ay dhisayaan maamulka Galgaduud Sare, isagoo shegay in dadka ree galgaduud ee uu ugaaska u yahay ay isku tashadeen, aayahoodane cidne aysan marti ugu noqonin.

Dhinaca kale ayuu Ugaas Taakooy ugu baaqay jaaliyada beeshiisa ee ku dhaqan qurbaha in ay ka qeybqaataan dhismaha Maamulkani uu sheegay in ay ku hanweyihiin in nabad iyo xasilooni waarta uu u horseedi doono dhamaan deegaan ay beeshu degto.

Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times ka tirsan ayuu ugu waramay Khadka Taleefoonka ee Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.