Dhageyso:Banaanbax ka dhacay Degmada Buurhakaba

Dibadbax looga soo horjeedo Maamul Cusub oo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya  Shariif Xasan Sheekh Aadabn uu u magacabay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa maanta ka dhacay Degmadaasi.

Boqolaal Ruux oo ka kala yimid Xaafadaha kala duwan ee degmada ayaa iskugu soo baxay Magaalada,kuwaas oo dalbanaya in Maamulka lagu dul magacaabay laga Celiyo oo Maamul Dadka Degaanka ay raali ka yihiin loo sameeyo.

Qaar kamid ah dadka Dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin Maamul laga keenay meelo kale oo Dadka Degaanka aan ka dhex imaan.

Hada Waxa Ka Soconayo Magaalad Buur Hakabo Kulamo gooni Gooni ah oo ay Wada yelanyaan Qaar Ka mid Bulshaad Rayidka ah iyo Maamulkii Horey u Joogay Magaalada

Halkaan ka Dhageyso;

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.