Dhageyo:Ukraine oo qabatay Soomaali Muhaajiriin ah

Saraakiisha dalka Ukraine ayaa sheegay inay qabteen 19 qof oo ah muhaajiriin u dhashay dalalka Soomaaliya, Afganistaan iyo Pakistaan kuwaasoo isku dayay inay si sharci darro ah uga gudbaan xuduuda u dhaxeysa Ukraine iyo Slovakia.

Saraakiisha Xuduudaha ee galbeedka dalka Ukraine ayaa xiray tahriibayaasha.

Maamulka Ukraine ayaa sheegay 19-ka qof,  inay qorsheynayeen  inay ka gudbaan xuduuda, oo ay galaan wadanka Slovakia,  sidaana waxaa laga soo xigtay Wargeyska maalinlaha ah Ukraine Today.

Dhammaan Muhaajiriinta la qabtay ayaa lagu hayaa xabsi ku yaala magaalada Xuduuda ah ee Chop ee galbeedka Ukraine.

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.