Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe

Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka dowladda Turkey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Olgan Baker ayaa goor dhawayd  gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Soo dhawaynta wafdigan ka dib waxaa loo gudbiyay aqalka madaxtooyadda halkaasoo kulan saxaafadu dibadda ka joogto uga socda, lama shaacin ilaa iyo hadda waxa uu salka ku hayo socdalkooda wafdigan Turkiga ah.

Dowlada Turkey ayaa horay balan-qaad ugu samaysay Puntland, mana jirto ilaa iyo hada wax ka fulay balan-qaad yadaasi.

Wuxuu wafdiga Olgan ee Garowe yimi kusoo aadayaa xilli Puntland iyo DFS wada hadalka u socda uusan kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana loo badinayaa Turkey inuu Puntland ku qancin doono inuu ka qayb galo doorashada Soomaaliya 2016.

Shalay sidoo kale waxaa Garowe soo gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobey kuwaasoo arrimaha bini’aadan nimada u yimi balse wararka ayaa sheegaya inuu socdaalkooda la xiriiro arrimaha siyasada.

Turkiga Waxa uu Qeyb Ka Noqonayaa Besha Caalamka halgank ugu jirto in Putland Laga Dhadhiciyo Fikirka 4.5 oo ay Wali  diidan yihiin

Shirkii Turkiga Ka dhacay ayaa Dowlada Turkiga Waxaa Ay ugu Baqday Besha Calamka iyo Dowlada dhexe inay Qanciyaan Maamulak Putland si Suurto Gal ay u Noqoto Dorashada Dalka Ka Dhaceyso.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.