Dhageyso: Xildhibaan Hareeri Xasan Barre oo Gedo Times uga waramay Halka uu Maraayo Dhismaha Maamulka Galgaduud Sare.

Hareeri xasan Barre oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galgaduud Sare ayaa Gedo Times uga waramay Dhismaha Dowlad Goboleedka Galgaduud sare ee dhawaan lashaaciyay dhismihiisa.

Hareeri ayaa hoosta ka xariqay in ay ka go’antahay isaga iyo inta ku aragtida ahba in didabada loo taago Dowlad Goboleedka Galgaduud Sare, isagoo shegay in dhawaan Hogaanka maamulkaasi la dooran doono.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo dowlada dhexe iyo in sababta Maamulka ay u dhisayaan ay tahay carqaladeyn lagu carqaladeynaayo maamulka galmudug iyo Inkale.

Hoos ka dhageyso wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times ka Tirsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.