Dhageyso: Gudoomiye K/Xigeenka G/Gedo oo Gedo Times uga waramay Shir Saxaafadeed ay Baledxaawo ku qabteen.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo ee dhinaca Amniga Mudane Bakaal Kooke oo wareysi gaar ah siinayay Shabakadda Gedo Times ayaa kawaramay Shir saxaafadeed ay ku qabteen Degmada Baledxaawo ee gobolka gedo.

Bakaal Kooke ayaa sheegay in kulankaasi oo ay kasoo qeybgaleen maamulada Heer Gobol, Heer Degmo, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadaba lagu taageeray heshiiskii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in kulankaasi looga hadlay Abaaraha kajira Gobolka Gedo, isagoo Maamulka Jubaland iyo Dowlada Federaalkaba Baaq culus u jeediyey.

Khadka Taleefoonka ayaa waxaa kula xiriiray Shaafici Cabdinuur oo Gedo Times ka tirsan waxaana uu ugu horeyn wax ka weydiiyey waxyaabihii looga hadlay kulan saxaafadeedkii ay shalay Baledxaawo ku qabteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.