XOG: Yaa ku lug yeeshay Kiiska Dilka Marxuum Sade Mahad Dirir oo Xalay Mqudisho lagu Dilay.”Akhriso”

sade mahad

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dilay marxuum Sade Mahad Dirir oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaane kuwa Beesha Sade.

Marxuumka waxaa lagu dilay Afaafka hore ee Masjid uu kutukaday Salaadda Maqrib, masjidkaas oo u dhaw gurigiisa oo ku yaala Agagaarka Hotel Guuleed ee Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Ma jirto cid loo soo qabtay dilka Marxuumka, waxaase Xogo ay heleyso Gedo Times ay sheegayaan in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo uu khilaaf dhinaca dhul isku haysashada ah uu kala dhaxeeyey Marxuumka in uu ku lugleeyahay dilkiisa.

Muungaab ayaa sanado dhowr ah waxa uu daganaa guriga ree Mahad Dirir oo kasoo horjeeda Hotel Guuleed oo Muqdisho caan ka ahaa, lamana oga sababta uu Muungaab u shegtay Guriga sidaas Muctarif u ahaa.

Guriga Marxuumka ay lahaayeen, waa guriga aad loo yaqaano gaar ahaane ree Huriwaa, waxaana uu kamid ahaa Boosaskii ugu horeeyey ee laga dhiso Degmadaasi ama laga iibiyo,

Muungaab oo intii uu Barasaabka Gobolka Banaadir ahaa Daganaa gurigaas oo uu ijaar ahaan ugu jiray, ayey qaar kamid ah ehelada Marxuumka waxay noo sheegen in bilhii u dambeeyey uu diiday in uu bixiyo lacagta uu guriga ku kireysnaa oo lagu sheegay in ay aheyd 10, 000 oo dollarka mareykanka ah, arintaas oo shakiga muungaab ee dilka marxuumka la xiriirta dab ku sii shiday.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Sade oo warbaahinta Maxaliga la hadlay ayaa wacad ku maray in aysan ka hari doonin kiiska dilka marxuum SADE iyo cidii ku lug yeelataba.

Xogtani oo mid xuuraansi iyo Xogwareysi badan kadib aan qornay, waxaana idiin balan qaadeynaa inaan idin la socodsiino hadba sida iyo halka uu ku dambeeyo kiiska iminka bilwoga ah ee lagu dabagalaayo dilka marxuumka iyo ka salgaaridda eedeymaha ku saabsan in Muungaab uu ku lugleeyahay Dilkani bareerka ah ee lagula kacay Marxuum Sade Mahad Dirir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.