Axmed Madoobe: “Shabaabka Jubooyinka 100 Dhalinyaro ah ayey ka wateen Deegaano Jubaland ka tirsan”.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Al Shabaab deeganada Jubbooyinka ay ka kaxeysteen caruur aad u da’yar kuwaasi oo ay doonayaan inay dagaal geliyaan.

Axmed Madoobe oo ka hadlaayay Shabaab iyo sida caruurta u askareeyaan, ayaa wuxuu sheegay deegaano ka tirsan Jubbooyinka inay ka aruuriyeen caruur ay si xoog ah waalidoontooda uga kaxeysteen.

Wuxuu ku eedeeyay Shabaab inay qaldayaan caruurta oo ay u sheegayaan inay Shahiid noqonayaan hadii ay dagaal galaan, xilli uu sheegay caruurta aysan garaneyn macnaha Shahiid iyo asbaabaha qofka uu ku noqdo.

“Deegaankaan maanta aan joogno Tuulooyin badan hada waxaa aruursan 165 Caruur ah oo kan ugu weyn uu yahay 14 jir oo hada tababar la siinaayo war umadaan da’yartii ugu yareyd ayaa halkaan mareyso oo la xasuuqayo oo la leeyahay kaalaya Shahaado ayaad qaadanaysaan, ma garanayaan Shahiidka waxa uu yahay.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isaga oo ka hadlaayay Dhalinyaradii Lagu qabtay dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Puntland ayaa wuxuu sheegay Dhalinyarada la qabtay intooda badan inay yihiin 14 jiro  la qalday.

Shabaab ayaa inta badan awoodo dheeri ah siiya caruurta yar yar ee Ururkaasi ka tirsan si dhalinyarada aysan uga bixin Shabaabka, ayna Xarakaad ugu muujiyaan hubka Shabaab ay u dhiibeen ee lagu dagaalgeliyo.

Qaramada Midoobay ayaa mamnuucday in caruurta la askareeyo Somaliya, xilli arintaasi sharci kala duwan caalamka uu uga degsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.