DAAWO: Xildhibaan Goodax Barre oo ugu hanjabay Madaxweynaha Soomaaliya in ay la Dagaalamayaan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa si kulul u weeraray Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, ayaa wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku eedeeyay in Magaalada Baledweyne uu ka wado kala qaybinta bulshada reer Hiiraan, xilli sida uu sheegay ay markii ugu horeysay midnimo muujiyeen Odayaasha Dhaqanka.

“Waxaa muuqato in Madaxweynihii dalka uu maanta Baledweyne u fadhiyo kala qaybinta ummadii iyo Odayaashii reer Hiiraan, oo taariikhda Somaliyeed sidii lagu ogaa markii ugu fiicneyd ee ay midoobeen inay ahayd.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

Waxaa uu Madaxweynaha Somaliya uu ku eedeeyay inuu dab ka dhex hurinaayo shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, si uu dano gaar ah uu kaga fushado, isla-markaana uu u eexdo/la safto beeshiisa, sida uu yiri.

“Waqti abaara oo waqti xun ah in uu laaluush ku bixiyay iyo ballanqaadyo been ah kala qaybinta qabaa’ilada, uguna ballanqaadaayo jego ayaan idin siinayaa iyo xaggaan idin siinayaa, oo macneedu wax kale aysan ahaynee oo musuq maasuq yahay.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

 

Markale wuxuu yiri “In Madaxweynihii maanta uu Baledweyne u fadhiyo ummad midowday inuu kala qaybiyo, waa wax aad u fool xun, welina uu dhiig ku daadsho, sida aad ka warqabtaan shalay dhiiggaa ku daatay.”

C/laahi Goodax Barre waxaa uu ku hanjabay inay la dagaalamayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sababo ku aadan isagoo u soo dhigtay sida uu sheegay daadinta dhiigga shacabka Somaliyeed iyo midka reer Hiiraanba.

“Xasan Sheekh nin sariig leh maaha, nin u soo dhigtay in uu dhiigga ummada Somaliyeed iyo kan reer Hiiraan uu ku sarifto dano siyaasadeed weeye, waana la dagaalameynaa.” Ayuu yiri Xildhibaanka Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

C/laahi Goodax, ayaa intaa ku daray “Uma ictiraafsanin anaga inuu yahay Madaxweyne wax gal ah oo ummada Somaliyeed u dhaxeeya, intii aan la jihaadi karnana waan la jihaadeynaa.”

Xildhibaan Goodax oo Axadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi, ayaa ummada Somaliyeed ugu baaqay in dadka reer Hiiraan loogu hiiliyo dhiigooda daadanaaya, sida uu yiri.

HOOS KA DAAWO HANJABAADA XILDHIBAAN GOODAX.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.