XOG: Madaxweyen Xasan Sheekh oo ku wajahan Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda booqdaan magaalada Garoowe xarunta maamulka Puntland.

Booqashadan ayaa la filaya iney bilaabato maanta ama beri sida ay sheegayaan warar anu ka heleyno ilo wareedyo ku sugan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisu ku tagayaan Puntland ayaa sida wararku sheegayaan qaadan doona dhowr maalmood isagoo kulamo la qaadan doona madaxda maamulkaas iyo qeybaha bulshada.

Weli ma cadda ujeedada safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku tagayaan Puntland hase ahaatee waxay ku soo aadeysaa xili Puntland ay diidan tahay in baarlamanka dowlada soo socota lagu soo xulo nidaamka 4.5 ayna ku adkeysaneyso in hab degaan lagu saleeyo.

Sidoo kale safarkan ayaa ku soo adaya xili ciidamada Puntland oo aan ka tiro iyo hub badneyn kuwa dowlada ay ku guuleysteen iney cagta mariyaan boqolaal ka tirsan xoogaga Al-shabaab oo ka degay xeebaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.