Degdeg: Wariyayaasha oo looga yeeray Madaxtooyada Kismaayo, iyo Qodobadii Heshiiska oo la shaacinaayo Goordhaw.

Masuuliyiin kala duwan ayaa iminka ku qulqulaya Hoolka uu ka dhici doono Heshiiska dhawaan kismaayo ka dhacay.

Dhamaan DHinacyada ayaa lasoo warinayaa in ay kusii qulqulayaan Hoolka, sidoo kale saraakiil ka socota Beesha Caalamka iyo Dowladaha Dariska ayaa dhinacooda qeyb ka ah, Masuuliyiinta halkaasi lagu arkayo.

Heshiiskii kismaayo ka dhacay, ayaa lagu wadaa in lagu soosaaro Warmurtiyeed ay dhamaan dhinacyada nuqulo kala duwan qaadan doonaan,

Warfidiyeenada ayaa dhinacooda looga yeeray Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay iyagune soo tabin doonaan dhacdooyinka halkaasi ka dhici doona.

Wixii kusoo kordha markastaa isha ku hay Gedo Times insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.