Degdeg: Kulankii Natiijo Shaacinta ee Kismaayo oo Baaqday, iyo Beesha Sade oo laheyd sababta dib u dhaca.

Waxaa Goordhaw lagu dhawaaqay in uu baaqday  kulankii lagu shaacin lahaa heshiiski iu dhaxeeyey Axmed madoobe iyo beesha Sade ee dhawaan Kismaayo ka dhacay.

Sababaha uu kulankani u baaqday ayaa lagu sheegay in beesha sade ay diiday in kulanka natiijooyinkiisa la shaaciyo inta ay goobjoog ka noqonayaan Xubno ka tirsan beesha Caalamka.

Axmed Madoobe ayaase ka codsaday beesha in madama heshiiska ay awal iyaga wada gaareen hadane ay muhiim tahay in ay iskood u soo bandhigtaan muhiimne aysan aheyn beesha caalamka joogitaankeeda.

Waxaase arinkaase ka gows adeegay Beesha oo dalbatay in lagama maarmaan ay tahay in Beesha caalamka ay goobojoog noqoto bacdamaa heshiisyo badan oo horay loo gaaray laga wada baxay.

Madoobe ayaa aqbalay dalabka Beesha isagoo shegay in la fulin doono dalabkooda Beesha Caalamkane lagu casuumi doono kulanka natiijo shaacinta.

Lama sheegin waqti rasmi ah oo kulankaasi uu dib u qabsoomi doono, waxayse qaar kamid ah siyaasiyiinta goobjooga ah ay Gedo Times u xaqiijiyeen in maalin ama labo gudahood uu kulanka dib u qabsoomi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.