DAAWO: Munaasabad lagu shaacinayay Baarlamaanka Maamulka Galgaduud Sare oo Cabudwaaq ka dhacday.

Maamulka Galgaduud Sare ee dhawaan la shaaciyay in loo sameynaayo Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa talaabadii u horeysay horay u qaaday.

Maamulka oo dhismihiisa uu in muddo ah soo socday ayaa hadda loo sameeyey gole deegaan ama Baarlamaan kakooban ilaa 45 xubnood kuwaas oo dooran doona Madaxweynaha iyo kuxigeenka uu yeelan doono Maamulkaasi.
Kahorne waxa ay iska dhex dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan iyo kuxigeenadiisa.

Madashii Mudanayaasha lagaga dhawaaqayay waxaa ku sugnaa marti sharaf ay kamid yihiin odayaasha dhaqanka ee Deegaanka oo uu horkacaayo Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy, duubab dhaqameedyo badan, haween , dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Ugaaska ayaa ku booriyay mudanayaasha baarlamaanka Maamulka Galgaduud Sare iyo gudiga farsamadaba in ay dadajiyaan dhismaha Maamulka si loo ambaqaado hawlaha culus ee Deeganaadaasi hada kajira.

Bilowga April ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in Maamulkaasi didabada loogu taago waqooyiga Gobolka Galgaduud xiligaas oo qorshuhu yahay in la doorto Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Hoos kadaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.