XOG : Khilaaf ka taagan Shakhsiga u Saxiixi doona Dhinaca Beesha Sade Heshiiskii dhawaan Kismaayo ka dhacay.

????????????????????????????????????

Khilaaf culus ayaa lasoo warinayaa in uu ka taaganyahay Cidii beesha Sade dhinaceeda u saxiixi laheyd Hehsiiskiii Dhawaan Kismaayo Ka dhacay ee Dhexmaray Beesha iyo Hogaamiye Axmed Madoobe.

Intabadan Beesha ayaa isku raacsan in Heshiiskani uu dhinacooda u saxiixo Hogaamiyihii Hore ee Isbaheysiga Dooraxada JUBBA Korneyl barre aadan Shire Hiiraale, oo ay aaminsanyihiin in uu mudanyahay in lagu xurmeeyo saxiixa Heshiiska.

Hase ahaatee ilaa afar shakhsi ayaa ka horyimid qodobka shegaya in la isla garto in uu heshiiska Saxiixo Hogaamiye Bare Hiiraale, waxaana ay kala yihiin Maxamuud Sayid aadan, Maxamed Awlibaax, Cabdirashiid Indhakoreey iyo DHay TUBAAKO nin magiciisa lagu sheegay.

Ma cadda waxa ay kabadali karaan go’aan beesha inteeda kale ay isku raacday waxayse faa’iido horleh oo heshiiska uu ku burburo u noqon kartaa dhinaca Beesha Hogaamiye Axmed Madoobe oo u aragta Heshiiska in uu yahay mid dan u wada ah beesha Sade oo kaliya.

Axmed Madoobe ayaa dhiniciisa siyaasiyinta beesha ku wargaliyay in Qofka u saxiixo heshiiiska uu noqon  doono shakhsiga saamiga awood qeybsiga ee Beesha Hormuudka u noqon doona, arintaas oo ay ka baqeen siyaasiyiintani, sida uu Gedo Times u sheegay Mid kamid ah ka qeybgalayaasha kulamadani la isk ufahmi waaayay oo ka gaabsaday in Magiciisa la xigto.

Wixii kusoo kordha arimaha khilaafkani cusub kala soco wararkeena dambe insha allah.

2 Comments

  1. walaahi ninka webkan warka ku qoro waa nin jaahil ah war doqon yahow doqonka kala jirin ree diini waxaan ahayn mareexaan ma ahan miyaa sababta aan sidaa u leeyahayana waxaa waaye ragga aad xustey waa ragga ugu miisaanka culus meesha ee wax iskula har qabyaaladeysta yahow adiga camal oo jaahil ah baa dadkan kala geeyaye

  2. Waryaa ma sheekadaan baad keentay wlhinmaku malaynayn inaad waxan soo wado pagekaana qof danbe oo ree sade ah oo soo booqan doono ma jiro hadana anaa u sheegayo dhaman umadda ree sade

Leave a Reply to RUN SHEEG Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.