DAAWO: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubaland oo booqday Isbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo.

Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Jubbaland ayaa soo kormeeray Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo iyagoona soo arkay xaaladda caafimaadka iyo bukaanada jiifa Isbitaalka.

Wasiirada iyo xildhibaannada tagay Isbitaalka guud ee Kismaayo waxaa hoggaaminayay wasiir ku xigeenka dowladda Jubbaland, waxaana markii ay tageen Isbitaalka guud ee Kismaayo u warramay agaasimaha Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in isbitaalka ay maalintii celcelis ay ku umulaan 12-dumar ah.

Agaasimuhu wuxuu kaloo sheegay in haweenka dhali waaya ee qaliinka lagu sameeyo ay gaarayaan bishii ilaa 16 dumar ah.

Intaas kaddib waxa saxaafadda la hadlay wasiiradda iyo xildhibaannada dowladda Jubbaland ee kormeeray isbitaalka iyagoona sheegay in kormeerkooda in uu la xiriiro siddii ay u soo arki la haayeen xaaladda Isbitaalka kaddib qeylo dhaan uga timid maamulka iyo takhaatiirta Isbitaalka maadama Isbitaalka uu yahay isbitaal ay ku xiran yihiin dad aad u fara badan.

Isbitaalka guud ee Kismaayo waxaa hadda jiifa 44 bukaan ah oo soo ritay cudurka shubanka oo hadda si ba’an uga jira goballada Jubbooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.