Degdeg: Alshabaab oo Shuruudo adag kusii daayay Shaqaalihii hay’adda Bisha Cas ee ay dhawaan Gacanta ku dhigeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sii daayay galabta afar ka mid ah shaqaalaha hey’adda bisha Cas kuwaasoo 14-kii bishan ay ka afduubteen degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Afarta qof ee la afduubtay waxaa ku jiray Ku xigeenkii madixii hey’adda Bisha cas ee gobalka Gedo Aadan Cabdi Aadan.

Shabaabka ayaa qof kasta oo ka mid ah raggan ku xukumay min 10 qori oo ah AK47 iyo 10 boosh kuwaasoo u dhiggan 13,000 oo dollararka Mareykanka.

Ehelada raggan oo la hadlay Gedo Times Qaarkood ayaa walaac ka muujiyay afduubkooda iyagoo dhinaca kalane soo dhaweeyay sii deyntooda, waxaana ay ballan qaadeen inay bixin doonaan wax yaabaha lagu xukumay.

Al-Shabaab ayaa muddo sideed maalin gacanta ku hayay raggan afarta waxaana ay ku hayeen deeganka Ceel-Cadde oo 80km u jira magaalada Baardheere ee Gedo.

Raggan u shaqeenayay hey’adda Bisha Cas ayaa laga afduubtay deeganka Sadiima 60km u jira magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.