DAAWO: Ciidamada Puntland oo qaar kamid ah Maxaabiista ay qabteen ku qasbay in ay Sheegtaan Deegaano aysan u dhalan”

Ciidamada Puntland ayaa Maanta warfidiyeenada waxa ay geeyeen Deegaanka Togga Suuj oo muddo usbuuc ku siman uu ka socday Dagaalka u dhaxeeyey Alshabaab iyo iyaga.

Warfidyeenada ayaa loo soo bandhigay Maxaabiis u badnaa caruur da’yar ah oo qaarkood xitaa aysan garan karin deegaanka ay ka yimaadeen, halka kuwo kalane ay u muuqdeen in loo sheegay deegaanada ay sheegteen in ay kayimaadeen.

Waxaase ugu yaab badnaa inan yar oo dhowr iyo toban jir ah oo sheegay in uu gedo ka yimid balse garan waayay degmada uu Gobolweynaha Gedo kaga sugnaa.

Wiilka ayaa u muuqday mid loo sheegay halka uu sheegtay in uu kayimid iyadoo aan lagaran karin sababta ka dambeysa in qof lagu wargaliyo in uu sheegto gobol uusan ka imaan.

Wiilka ayaa ku hadlayay lahjadda Maytiri ee looga hadlo Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo fajac iyo layaab ay ku noqotay in badan oo warbixintan daawatay qof in laga shegsiiyo deegaan uusan u dhalan.

Qaar kale ayaaba garan waayay halka ay ka yimaadeen iyo waxa kusoo kalifay in ay puntland soo aadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.