War Degdeg Ah : Baarlamaanka Jubaland oo fuliyey Codsigii Madaxweyne Axmed Madoobe ee wax ka badalka Dastuurka Jubaland

Baarlamaanka Maamulka Jubaland ayaa goordhaweyd meel mariyay Codsi kaga yimid Hogaamiyaha Mamaulka Jubaland Axmed Madoobe oo maalin ka hor ka codsaday in Dastuurka Jubaland wax kabadal lagu sameeyo.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay labadi iqodob ee uu Axmed Madoobe ka dalbaday, iyagoo sheegay in ay tixgaliyeen Codsiga Madaxweynaha.

Labada qodob ayaa kala ah in mamaulkaasi la ogolaado inuu yeesho laba Madaxweyne Kuxigeen iyo in golaha wasiirada o ocadadkodoa uu hadda xadidanyahay laga dhigo tiro furan.

Ma cadda sababta buurdhuubo oo degmonimo loo aqoonaday loogu dari waayay qodobada wax kabadalka lagu sameeyey Xildhibaano ka tirsan Jubaland oon arinkaan wax ka weydiineyne waxay sheegeen in ajande kale lagu wado in laga dhigo Degmanimada burudhuubo oo maalin kale lagu wado in la ansixiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.