TOP News : Alshabaab iyo Dadka Deegaanka oo ku dagaalamay Deegaanka Buur-gaabo ee Gobolka Jubada Hoose.

buurdhuubo

Dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo dad dhuxul ka qodayay Deegaanka Buurgaabo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ka dhacay Deegaankaasi.

Dagaalo oo saacado qaatay ayaa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii Ciidamada Alshabaab ay dadkaasi ka hor istaageen dhuxul ay gubayeen oo qorshuhu ahaa in ay u soo iibgeeyaan Kismaayo kadibne wadamada Khaliijka loo dhoofiyo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo warinayaa inkastoo tirada rasmiga ah ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay aan la xaqiijin karin.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya in ay iska caabiyeen kooxihii soo weeraray, iyagoo sheegay in xaalku uu iminka caadi yahay.

wixi kuso okordha kaga bogo wararkeena dambe hadii alle idmo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.