XOG: Munaasabada lagu shaacinaayo Heshiiskii Kismaayo oo Barito Kismaayo ka dhaceysa iyo Masuuliyiin badan oo ka qeybgalaya.

Qabanqaabada Munaasabadda lagu shaacin doono Heshiiskii Dhawaan kismaayo ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo Beesha Sade ayaa ka soconeysa Magaalada Kismaayo.

Mamaulka Jubaland ayaa ku guda jira Qabanqaabada Munaasabadaasi, lagu shaacin doono Heshiiska,iyagoo u diyaar garoobaya so odhaweynta Masuuliyiinta ka qeyb galeysa shaacinta Hehsiiskaasi.

Xubnaha lagu casuumay ka marqaati noqoshada Heshiiskaasi waxaa kamid ah Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambasaddor Mecheal Keating, iyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Danjirayaashani ayaa laguw ada in galinka Hore ee Maalin Axada ah ay gaaraan Magaalada Kismaayo, si ey marqaati uga noqdaan Heshiiskani taariikhiga ah ee lagu soo afmeeraayo Xiisadihii siyaasadeed ee ka jiray Jubaland Sanadihii lasoo dhaafay.

Wixii kusoo kordha arimaha Heshiiskani kala soco Gedo Times Insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.