Degdeg: Wafdi uu Hogaaminaayo Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo Kismaayo gaaray.

Wafdi ka socda Beesha Caalamka ayaa Gorodhaweyd gaaray magaalada kismaayo, waxaana wafdigaasi hogaaminaya Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qabailsa arimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa kamid ah saraakiil ka tirsan IGAD iyo Safiiro ka socda Dowladaha dariska iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarkooda ayaa ah ka qeybgalka kulanka bari lagu shaacin doono heshiiski idhawana kismaayo ku dhexmaray beesha Sade iyo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe.

waxaa kismayao masuuliyiintani kusoo dhaweeyey Sarakaiil ka tirsan Jubaland oo uu horkacayay madaxweyne Kuxigenka Maamulka Jubaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil fartaag iyo Qaar kamid ah Mudanyaasha Baarlamaanka ee Mamaulkaasi.

Ilaa iyo bari ayey kismaayo sii joogi doonaan iyadoo isla abri ay kismaayo gaari doonaan masuuliyiin kale oo ka socda Qaramada Mdioobay, iyo Midowga afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.