Degdeg: Dagaalkii Puntland iyo Alshabaab u dhaxeeyey oo wali soconaya iyo Puntland oo Guulo sheegatay.

War hadda soo gaaray Warqabadka Gedo Times ayaa sheegaya in 8-Alshabaab-kii ku jirtay togga SUUJ oo baxsada ahaa ciidanku ka dileen afar, kuwii kalena ay qabteen, waxaana laga waraystay xaalada togga iyo sida uu yahay.

Afarta ciidanka dowladda Puntland ku qabteen nolasha ayaa sheegay in gudaha togga ay ku jiraan kuwo dhintay, kuwo dhaawac ah iyo kuwo kale oo saad la’aan u liita, waxayna sheegeen inay hadda rabeen inay u baxsadaan meel ay gabaad ka dhigtaan.

Ciidanka ayaa hadda qorshaynaya inay gudaha gallaan si gacanta loogu soo dhigo kooxda ku jirta gudaha togga oo u muuqda inay tabar la’aan laso bixi waayeen.

Kuwan baxsadka ah ayay ciidanku ku qabteen ceelka dawlis oo 10-KM u jira dhanka balbeedka deeganka SUUJ.
Waxaa la maqlayaa rasaasta ciidanka ee ku wajahan kooxda godka ku hartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.