DAAWO: Hay’adda MAMA CASHA oo gargaar biya dhaamin ah ka sameysay Degaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Iyadoo aabaro ba’an ay ka taaganyihiin inta badan Gobolada Dalkeena Soomaaliya, ayaa gobolka Gedo wuxuu kamid yahay Goobaha ugu daran ee ay abaarahasi ka jiraan.

Deegaano hoostaga Degmada Baledxaawo oo ay Abaaro ba’an ku dhufteen ayaa waxaa gargaar biyo dhaamin ah ka sameysay Hay’adda Mama Casha Foundation oo ah Hay’ad dhinaca samafalka ah.

Deegaan hoostaga Baledxaawo ayey hay’adani ka bilowday mashruucani, iyadoo taageero ka heleysa jaaliyadaha dibadda ee kasoo jeeda Gobolka.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan Deegaankaasi biya dhaaminta laga sameeyey ayaa soo dhaweeyey qorshahani ay sameysay hay’adda Mama Casha, iyagoo dhinaca kalane codsaday gargaar bini’adamnimo in lala soo gaaro.

Warbaahinta Caalamiga ah ee Gedo Times ayaa Muuqaalo kasoo duubtay Goobta ay biya dhaamintu ka socotay,iyadoo codbaahiyahane aan la dhexqaadnayq aar kamid ah dadka deegaanka oo baaq culus u jeedinaya jaaliyadaha Dibadda ku dhaqan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.