DAAWO: Shacabka Magaalada Kismaayo oo ka Ra’yi Dhiibtay Heshiiskii Dhawaan Kismaayo ka dhacay.

Qaar kamid ah Shacabka iyo XIldhibaanada Jubaland ayaa ka ra’yi dhiibtay sida ay u arkaan Heshiiskii Dhawaan Kismaayo ku dhexmaray Beesha Sade iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Bulshada iyo Masuuliyiinta la hadlay Warbaahinta ayaa si iskumid ah usoo dhaweeyey shirarkii dib u heshiisiineed ee Kismaayo ka dhacay laguna soo afjaray kala aragti duwanaantii ka dhexjirtay Maamulka Jubba iyo Dad badan oo ree Jubaland ah , oo isku diidanaa hanaankii deegaanka lagu maamulayay sadexdii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa aad looga war dhowrayaa taaba galinta heshiiskani, mana cadda sida uu maamulka Jubba iyo dhinaca Beesha Sade ba ay uga dhabeyn karaan fulinta qodobadii ay wada saxiixeen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA ARAGTIDA DADWEYNAHA IYO MASUULIYIIN KALABA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.