Dhageyso:Puntland oo sheegatay in ay ku gacan sareyso Dagaalka Garmaal

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo maanta warbaahinta Shir Jiraa’id ugu qabtay Garoowe ayaa sheegay in dagaalka ka socda Xeebta Puntland ee Gobolka Nugaal ay Puntland ku gacan sareyso Dagaalkasi.

Soocadde ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen Ciidamada Puntland islamarkaana ay Khasaaro ku gaarsiiyeen Al-shabaabka ku sugan Garmaal ee Dagaalka la galay Ciidamada Puntland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Ciddii ka tirsan Shabaab ee isi soo dhiibta in Sifiican loola dhaqmi doono balse kii dagaalka lagu qabto Sharciga la marsiin doono.

Halkaan Ka Dhageyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.