TOPNEWS:- Shabaab maxey uga aamusen Shisheeyaha gaaray Puntland.

Xarakadda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maamul Goboleedyada Dowladda Xubnaha ka ah iyo Ciidamada Afrikaanta ah ee Caawiya Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin Koox Hubeeysan oo gaaray Xeebaha Maamulka Puntland.

Dagaalameyaal ka tirsan Shabaab oo lagu qiyaasay ilaa 1000 in ay gaarayan ayaa Doomo ku tagay Xeebaha Puntalnd,iyadoo ay ku jiraan Rag Ajaanib ah sida Dadka degaanka laga soo Xigtay.

Al-shabaab oo lagu bartay in Warbaahinta Taageerta iyo sidoo kale Baraha Bulshada ay ku sheegtaan Meelaha ay qabsadeen iyo Dilalka iyo Qaraxyada ay Fuliyaan ayaan wali ka hadlin Shabaabka gaaray halkaa.

Sidoo kale waxaa soo baxaya in Kooxda  Puntland gaartay ee Hubeysan ay yihiin Koox ku biirtay Kooxda Daacish oo Shabaab ka go’day,kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan Daacishta galgala.

Warar ay heshay Warbaahinta gedo times   ayaa sheegaya in Saraakiisha Hogaamineysa Shabaabka gaaray Xeebaha Puntland ay yihiin Rag ka soo jeeda Degaanada Maamulka Puntland.

Magacyada Saraakiisha  qaar oo aan helnay ayaa kala ah.

Sargaal Magaciisa lagu soo Koobay Ilqeyte oo u dhashay Beesha Majeerten gaar ahaan Cumar Maxamuud iyo sidoo kale Sargaal kale oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Gowtax oo asna  u dhashay Beesha Majeerten gaar ahaan Cumar Maxamuud.

Sidoo kale Ragga Hogaaminaya Dagaalameyaasha Shabaabka ah ee gaaray Xeebaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah Jaamac Cabdi Salaan oo u dhashay Beesha Marjeeteen gaar ahaan Cumar Maxamuud iyo Labo Sargaal oo kale oo Magacyadooda lagu sheegay Saciid Karatee oo u dhashay Beesha Marjeeten Ciise Maxamuud iyo Xasan Takar oo asana u dhashay Beesha Leyle-kase Daaeood.

Ma cadda Saraakiishaan ka soo jeeda Puntland Ee Shabaabka ah Ujeedka ay halkaa u tageen  in ay tahay Dagaal ay la galaan Puntland iyo Qorshe kale.

Maanta Puntland waxaa ay Dagaal ku qaaday Shabaabka ku soo duulay Degaanada Mamaulka Puntland,waxaana wali degaano ay kamid tahay Garmaal ka soconaya Rasaas Xoogan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.