Dhageyso: Al-shabaab oo Madax Furasho ku siidaayay Shaqaale ka tirsan Bisha-Cas oo ay Ku Afdubten Duledka Bar dhere

shabab

Aadan Cabdi Aadan, Cabdinaasir Abshir iyo Cali Sugulle,oo ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda sama falka Bisha Cas ayaa dib u helay xorriyaddooda,markii ay shalay Al-shabaab ka af-duubteen degaanka Sidiimo  ee duleedka magaalada Baar-dheere.

Shaqaalahan la sii daayay ayaa markii hore kusii jeeday degmada Ceel-waaq oo ka tirsan isla gobolka Gedo,xudduudna la leh dalka Kenya,safarkaas oo la sheegay iney ka shakiyeen ragga af-duubka geystay.

Al-shabaab ayaa horey u faray hay’adda bisha cas ineyan ka haw-gali karin guud ahaan gobolka Gedo, iyadoo dhawaan ay sidan oo kale ka qafaasheen shaqaale lagu sii daayay madax furasho lacageed iyo ballan qaadyo inayan ka shaqayn doonin Gedo.

Halkaan Ka Dhageyso

Cod Qeys 1

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.