Indhacadde: Puntland ma aha in Dowladda a ku eedeyso in ay shabaab Xiriir la leedahay. “akhriso”

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Gaashaandhigga ayaa ka hadlay sababaha xilligan ku soo beegay in Al-Shabaab ay gaaraan deegaanada xeebaha ee ka tirsan Maamulka Puntland.

Indha Cadde ayaa sheegay in qorshaha Shabaab ee tagitaanka Puntland uu yahay saddex arrimood oo uu ku kala sheegay inay tahay in marka hore Amniga Puntland qal qal ku geliyaan, aag cusubna ku furaan, tagitaanka buuraleyda Galagala, si ay u xoojiyaan saaxibadood halkaas jooga iyo inay doonayaan inay xoog ku soo furtaan maxaabiis muhiim ah oo u xiran Puntland sida uu yir.

“Maadaama Gobolada Koofureed lagu jabiyay oo Mareykanka uu ku duqeeyay waxay doonayaan qorshe ah inay Puntland tagaan oo buuraha wareegsan ku dhuuntaan, halkaas ay amniga Puntland ku qal qal geliyaan”ayuu yiri Indha Cadde.

Yuusuf Indha Cadde ayaa ka hadlay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Amniga Puntland ee ahaa in dowladda Federaalka gacan ku leedahay Shabaabka ku soo duulay xeebaha Puntland, waxaa uu xusay in hadalkaas aan xilligan loo baahneyn, isla markaana Puntland iyo dowladda isku riix riixin hadalo ceynkaas ah, taasna ay dhiira gelin u tahay Al-Shabaab.

“Waxyaabaha qaar in la isku riix riixo ma ahan, waa maqlayay hadalka Wasiirka Amniga Puntland, waxay cadawga u noqoneysaa gacan iyo gar, Shabaab dowladda Soomaaliyeed waa laayeen, dadka Koofureedna waa laayeen, Puntland asxaan uma hayaan, waa in meel looga soo wada jeesto”.

Mudane  Indha Cadde ayaa sheegay in Maamulada dalka ka jira ay isku mid u yihiin Al-Shabaab, waxaana uu ku baaqay in laga shaqeeyo, sidii looga hortagi lahaa, waxaana si gaar ah Puntland ugu baaqay in Galmudug oo deris la ah ay iska kaashadaan la dagaalanka Shabaab.

Dagaalyahano gaaraya boqolaal oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa maalin ka hor ka degay xeebta deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, kadib markii ay doonyo ka soo raaceen degmada Xarardheere iyo deegaano kale, waxaana dagaalyahanadan ay haatan lug ku marayaan deegaano dhowr ah oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan Buuraha Galgala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.