Dhageyso: Nuur Sayax oo sheegay in Qof ku eedeysan Qarixii dhawaan ka dhacay Magaalada Garbaharay ay gacanta ku hayaan.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka gedo ayaa faafaahin ka bixiyay Shakhsi ay gacnata ku soo dhigeen oo  ay sheegeen in looga shakisanyahay qarixii dhawan ka dhacay maqaaxi kutaala Magaalada Garbaharay ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Gedo Nuux Sayax Xareed oo la hadlay Gedo Times ayaa sheegay in eedeysane ku eedeysan qarixii dhawaan ka dhacay Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo, ay gacanta ku hayaan, isagoo sheegay in wali ay socdaan baaritaano dheeri ah.

Mudane Sayax ayaa dhinaca kale sheegay in Baaritaano lagu baadi goobaayo Shakhsiyaad horleh ay ka soconayaan Isla magaalada Garbaharay ee Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in natiijada Baaritaankooda ay la wadaagi doonaan Bahda wararka Fidisa,isagoo sheegay in natiijooyin wax ku ool ah ay soo saari doonaan

Hoos ka dhageyso Wareysiga Nuux Sayax Xareed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.