XOG: Beesha Sade oo Aqbashay in Maamulka Jubaland uu yeesho laba Madaxweyne Kuxigeen kana tanaasushay Diidmadii.

Beesha Sade ayaa Aqbashay in maamulka Jubba uu yeesho Laba Madaxweyne Kuxigeen kadib markii Axmed Madoobe uu ku calaacalay in beelo Badan oo Soomaaliyeed ay ku dhaganyihiin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Awooda Madaxweyne Kuxigeenka uu yeelan doono shakhsiga Madaxweyne kuxigeenka u noqonaya Beesha Sade, iyadoo madaxweyne kuxigenka labaadne uu ugu talagalay un qancin.

Ma Cadda waxa uu Sade ku badashay aqbalaada Madaxweyne kuxigeen labaad, inkastoo qodobo badan oo ay iyagune soo qorteen laga tanaasulay, hadane dadka wax taxliiliya ayaa u arka Madaxweyne Kuxigeen labaad in ay la macno tahay in hoos loo dhigay Awoodii ay beeshu yeelan laheyd.

Si kastaba Goordhaw ayaa loo balansanyahay in uu Axmed madoobe wax ka yiraahdo labadii qodob ee uu xalay ka biya Diiday, iyadoo hadane xubnaha ergada ay kusii qul qulayaa Guriga Martida ee Jubaland halkaas oo ah meesha ay wada hadaladu ka socdeen.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.