Dhageyso:Magacyada Saraakiisha Hogaamineysa Shabaabka Xeebaha Puntland gaaray oo la Ogaaday

War laga soo Xigtay dadka degaanka islamarkaana ay baahisay Warbaahinta Puntland ayaa lagu sheegay in Al-shabaabkii gaaray Degaanada Puntland ay Hogaaminayaan Shan Sargaal oo ka tirsan Shabaab islamarkaana ka soo jeeda Degaanada Puntland.

Saraakiishaasi Gaaray Puntland waxa Hogaaminaya Sargaal lagu Magacaabo Saciid Karateey oo ka soo jeeda Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Waxaa kale oo ku jira Sargaal lagu Magacaabo Xasan Takar oo ka soo jeeda Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug,Xasan Takar waxaa Wiil uu dhalay la Toogtay Xiligii Puntland uu Madaxweynaha ka ahaa C/raxmaan Faroole,kaas oo ku jiray Al-shabaabka ku sugan Galgala.

Xasan Takar ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka Qurbaha,iyadoo Xasan Takar uu wax ku soo bartay Jaamacadda Madiina Al-munawara ee Wadanka Sacuudiga.

Saddexda Sargaal ee kale ayaa Magacyadooda lagu sheegay Ilqeyte,Gowtax iyo Jaamac C/asalaan,kuwaas oo dhamaantooda ka soo jeeda Gobolka Mudug.

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.