Xog: Axmed Madoobe oo aqbalay Qodobada Qaar kuwana ka biya diiday “Akhriso”.

deg

Wali waxaa xarunta caymiska ee Magaalada Kismaayo ka soconaya Kulanki Fool ka foolka ahaa ee u dhaxeeyey ergadii Beesha Sade iyo Hogaamiye Axmed Madoobe.

Kulanka oo soo socday tan iyo galabnimadii manta ayaa ah wali mid aan loo kala kicin, iyadoo dhinacyada ay yihiin kuwo si saraaxo leh u wada hadlaya.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa in Axmed Madoobe laga dhageysto Aqbalaada iyo diidmada qodobadii ay horay Beesha Sade u soo gudbisay ee ay u arkeysay in Xalka Jubaland ay kujirto, kulana midoobo karaan Maamulkiisa.

Hase ahaatee Ilo Wareedyo kamid ah dadka kulanka ka qeybgalaya ayaa Gedo Times u sheegay in Axmed Madoobe uu u sheegay in uu aqbalay ilaa toban qodob oo kamid ah qodobadii ay soo jeediyeen halka sadex qodobne uu ka gows adeegay.

Qodobada uu diiday ayaa waxaa kamid ah  Degmanimada Degmada Buurdhuubo, oo uu sheegay in aysan ku qorneyn dastuurka Jubaland,

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Maamulkisia ayuu sheegay in aysan suuragal aheyn in hal Madaxweyne kuxigen uu maamulkiisa yeesho, marka uu tixgaliyay beelaha badan ee jubaland ku dhaqan isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay in beesha sade ay qodobkani ka tanaasulaan hadii kalane ay ku qancaan in cod loo qaado baarlamaanka dhexdiisa.

Qodobka sadexaad ayaa ah halka ay noqoneyso xarunta dowlad goboleedka,waxaana beesha sade ay so jeediyeen in xarunta maamul goobleedka ay noqoto degmada Baardheere,iyadoo uu qodobkaasine sidoo kale uu sheegay in uu doonayo in baarlamaanka lamariyo bacdamaa horay Bu’aale loogu codeeyey waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa Xusid mudan in Baarlamaanka uu donayo in qodoabdaasi la horgeeyo ay yihiin kuwo uu isagu horay kaligii u xushay,taasne suuragal ka dhigi meyso in natiijo lagu qanco ay go’aamiyaan xubnaha Sharci Dajinta ee Maamulkiisa.

Dhinaca beesha sade ayaa ku adkeysanaysa in sadexdaasi qodob ay muhiim tahay in looga falgalo sideey u soo gudbiiyeen, waxayna sheegeen in qodobadaasi ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ay soo qoreen,

Sidoo kale waxay codsadeen in heshiiska loo badalo war murtiyeed laguna soosaaro faafin rasmi ah loona helo marqaatiyaal caalami ah oo dhaqan galkiisane loo xilsaaro, bacdamaa heshiisyadii horay Doolow iyo Goobweyn loogu wada galay ay noqdeen Hal bacaad lagu lisay.

Ma cadda natiijada ugu dambeysa ee kulamadani,iyadoo ilo wareedyada la hadlay Gedo Times ay sheegeen in ay suuragal tahay in la isku diboodo, iyo in qodobadaasi natiijadooda laga salgaaro.

Wixii Kusoo kordha kala soco Gedo Times Insha allah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.